Sheekh Shariif Sheekh Axmad “Dalkan wuxuu horey ugu burburay ciidanka oo siyaasadda galay,”

0
67
Sheekh Shariif “ Madaxda Dowladda Federalka waxaan uga digeynaa Talaabooyinka aan laga fiirsan oo ay qaadayaan”
Sheekh Shariif “ Madaxda Dowladda Federalka waxaan uga digeynaa Talaabooyinka aan laga fiirsan oo ay qaadayaan”

Ciidamadda oo siyaasadda ku milmay ayaa sabab u ahaa burburka ay haatan kasoo kabaneyso Soomaaliya oo hadana laga cabsi qabo iney dib ugu laabato,  dowladda hadda jirtana waxay ku shaqeysaa fekerkaas, sidda uu sheegay Shariif Sheekh Axmed, madaxwaynihii 7aad ahna musharax madaxwayne 2020-21.

Isagoo Jimcadda todobadkii hore ka hadlayey shir jaraa’id oo Golaha Midowga Musharaxiinta ku baajiyey mudaaharaadkii qorsheysanaa Sabtida maanta ah, Shariif oo ku adkeystay in aysan ka tanaasulin qabashada banaanbaxa ayaa tibaaxay in muhiim tahay in ciidanka dhexdhexaad uu noqdo.

Dib-u-dhaca banaanbaxa ayaa ka dambeysay markii dowladda federaalka ah ee Soomaliya ay Jimcadii ciidamo badan dhigtay jidadka ugu muhiimsam Muqdisho taas oo musharaxiinta ku qeexeen in looga baxay heshiiska.

“Arrintaas waxay muujineysaa dooda musharaxiinta ee ah cidda amniga sugeysa iyo arrinta ciidamadda ay noqoto qadiyad xal laga gaaro maadaama madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey uu si qaldan u adeegsaneyso.

“Dalkan wuxuu horey ugu burburay ciidanka oo siyaasadda galay,” ayuu hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ka sheegay shirka jaraa’id ee shalay.

Shariif oo shaaciyey in musharaxiinta ay iclaamin doonan maalinta xigta ee banaanbaxa uu qabsoomi doono ayaa tibaaxay in uu noqon doono mid amnigiisa ay sugi doonan ilaaladda gaarka ah ee Musharaxiinta.

Madaxda dowladda federaalka ah ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey ayuu ku eedeeyay in ay ku tagrifalayaan awooda ciidamadda una adeegsanayaan in ay xukunka baaqi kusii ahaadaan.

Mogadishu-Somalia                            

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.