Wasiir Janan oo ku hanjabay inaysan Beled Xaawo u dhaafi doonin Dowladda Federaalka

0
140
Wasiir Janan oo ku hanjabay inaysan Beled Xaawo u dhaafi doonin Dowladda Federaalka
Wasiir Janan oo ku hanjabay inaysan Beled Xaawo u dhaafi doonin Dowladda Federaalka

Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku goodiyay inaysan marnaba Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo u deyn doonin Dowladda Federaalka.

Wasiirka oo Jimcihii ka soo muuqday Jubbalandtv ayaa sheegay, haddii ay cid u deynayaan Beled Xaawo, ay u deyn lahaayeen maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

“Waxaan u maleynayaa 2011-kii bishii 3-aad, 5-teedii baa waxaan Beled Xaawo ka qabanay Ururka Al Shabaab oo haystay. Dagaal laba jeeraa ku jabnay, kii saddexaadaa ku qabanay. Waxaan hubaa kuwa aan ka qabanay dadnimo, sharaf iyo ammaano, intaba inay uga fiican yihiin Farmaajo iyo kooxdiisa, waan hubaa. Waan hubaa taas iyada ah, wax shaki ah iigama jiro.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Marka talo guracan ama gumeysi gaara ama Qaranimo Soomaaliyeed oo leesla ogolyahay wax ka duwan oo dano gaar ah, haddaan u deyneyno, Al Shabaab baa u deyn lahayn Buulo Xaawo iyo Jubbaland degmooyinkeeda.”

Waxa kaloo uu sheegay, haddii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka horyimaado jiritaanka Jubbaland, aanay iyaguna uga taggi doonin deegaanadooda.

“Ma aqbaleyno, mana dhaceyso in nin qurbajooge ah oo basaboor wato oo dalka u soo doontay xil, saacadduu xilka waayana tagaya inaan deegaanadeenii, dalkayagii, Dowlad Goboleedkeenii, calankayagii iyo astaanta gaarka noo ahayd ee ummadda Soomaaliyeed wax kula darsanay uu diido, oo aan ka aqbalno, ugana tagno deegaanadeenii, marnaba ma dhaceyso.” Ayuu yiri Wasiir Janan.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya, maalmo ka dib dagaalkii dadka badani ku dhinteen ee Ciidamada Jubbaland 25-kii bishan ku qaadeen Degmada Beled Xaawo.

Mogadishu-Somalia          

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.